Khabiirka Ian Darke ayaa kooxda chelsea u sheegay in ay chelsea ku guulaysan karto horyaalka premier League hadii uu daafaca Thiago Silva taam ahaado oo uu dhaawaca ka fogaado xilli ciyaareedkan.

Kooxda chelsea ayaa si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedkan intii uu Thiago Silva ka maqnaa iyada oo goolal badan laga dhaliyay kulamadii ugu horeeyay ee horyaalka.

Laakiin Imaatinka Thiago Silva ayaa saamayn weyn ku yeeshay kooxda waxana uu Ian Darke rumaysanyahay in ay Blues ku guulaysan karto horyaalka premier League hadii uu Silva taam u ahaado kulamada.

“Waxan u malaynayaa in ay ugu cad-cadyihiin horyaalka”ayuu Ian Darke u sheegay ESPN.

“Su’aasha meesha taala ayaa ah taam ma ahaan doonaa Silva”.

“Silva waa hogaamiye cajiib ah waana daafac aad u fiican”.

“Sidaas darteed hadii uu taam u ahaado kulamada waxa ay ku guulaysan doonaan horyaalka premier League xilli ciyaareedkan”.

Source: laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here