Halyeeya kooxda Arsenal ee Paul Merson aya chelsea u sheega in ay u dhaqaaqdo saxiixa daafaca Kooxda Man City ee John Stones isaga oo ku sheegay sheeko Guul oo kaliya sugaysa in ay dhacdo.

Xiddigii hore ee Arsenal ayaa rumaysan in xiddiga Stones uu xoojin doono daafaca dambe ee Blues.

Stones oo si weyn ugu fashilmay kooxda Man City ayaa si wetn loola xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda xagaagan.

Merson ayaana aaminsan in ay chelsea Stones ku dhisto daafaceeda maadama uu xiddigu dib u soo celin doono qaab ciyaareedkiisii fiicnaa hadii fursad la siiyo.

Isaga oo la hadlaya Daily Star ayuu yidhi”Chelsea waa in ay u dhaqaaqdo John Stones sababta oo ah waa sheeko Guul oo sugaysa in ay dhacdo”.

“Waxa aan horay u sheegay in uu Stones ku soo bixi doono chelsea waana in ay haatan u dhaqaqaan sababta oo ah mustaqbal kuma lahan City”.

“Stone waa xiddig reer England ah, waxa uu leeyahay khibrad badan laakiin walina waa xiddig da’yar ah”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here