Chelsea ayaa si dhab ah uga fikireysa dalab ay ka geeyaan daafaca kooxda Celtic ee Josip Juranovic
Laacibkaas 27 sano jirka ah ayaa shabaqa taabtay 6 jeer halka sedex caawin uu sameeyay ka dib 50 kulan oo uu saftay Celtic xilli koobkii aduunkana uu ku soo muuqday bandhig wacan iyadoo booska 3-aad ay galeen qarankiisa Crotia .
United ayaa todobaadyadaan lala xariirinayay balse haatan sida Daily Mail qoreyso Chelsea ayaa si weyn isha ugu haysa saxiixa laacibkaas.Chelsea ayaa baadi goobeysa badelka Reece James kaasi oo ku dhaawacmay kulanii Bournemouth waxa uuna garoomada ka maqnaanayaa muddo bil ka dib dhaawacaas jilbka ah ah .
Celtic aya la rumeysan yahay in a u furan yihiin dhageysiga iibka Josip waase haddii laga keeno dalab aan ka yareyn 8 milyan oo gini