
Kooxda Chelsea ayaa wajahaysa walwal dhaawac oo cusub kadib markii Enzo Fernández uu ka baxay waajibaadka xulka qaranka Argentina.
Ciyaaryahanka 24-jirka ah ayaa ciyaaray 78 daqiiqo kulankii saaxiibtinimo ee ay Argentina 1-0 kaga adkaatay Venezuela habeenkii Jimcaha, kaasoo ka dhacay Hard Rock Stadium ee magaalada Miami.
Argentina, oo horey ugu soo baxday Koobka Adduunka ee dhici doona xagaaga dambe, ayaa qorsheyneysa inay wajahdo Puerto Rico kulan kale oo saaxiibtinimo ah fiidnimada Salaasada ee Chase Stadium ku yaalla Fort Lauderdale.
Si kastaba ha ahaatee, Fernández ayaa laga saaray xulka Argentina kaddib markii uu soo gaaray dhaawac jilibka ah – taasoo keentay walaac dheeraad ah oo soo foodsaaray tababaraha Chelsea, iyadoo xilli ciyaareedka Premier League uu sii socdo.
Kooxda caafimaadka ee xulka Argentina ayaa shaaca ka qaaday in Enzo Fernández, khadka dhexe ee Chelsea, uu la tacaalayo barar (inflammation) ka haya jilibka midig.
Xulka qaranka ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in Fernández usan sii ahaan doonin laacibka xulka inta ka dhiman isdiyaarinta, islamarkaana uu hadda ku laabanayo magaalada London si uu u bilaabo daaweynta iyo qiimeynta dhaawiciisa ayadoo lala kaashanayo kooxda Chelsea.
Kooxda Chelsea ayaa la ciyaari doonta kooxda Nottingham Forest kulan ka tirsan premier League kadib fasaxa xulalka.