Waxa si Rasmi ah Albaabada loogu furay suuqa kala iibsiga xagaaga kaas oo ay kooxuhu haatan samayn karaan saxiixyada xiddigaha ay doonayaan.

Xagaagan oo noqon doona midka ugu dheer taariikhda suuqa kala iibsiga ayaa noqon doona sidoo kale mid aad uga duwan suuqyadii hore marka laga hadlo dhanka lacagaha.

Kooxaha ayaa haatanba la daalaa dhacaya dhaqaale xumo uu sabab u noqday xanuunka Korona sidaas darteed kooxaha ayaa si taxadar leh u gali doona suuqa xagaaga iyaga aan sidii hore suuqa lacag waali ah u galin doonin.

Sidoo kale suuqa xagaagan waxa aan ku arki doonaa dabeecado cusub sida isku badalashada xiddigaha iyo waliba in la badiyo heshiisyada amaahda ah.

Hadaba kooxda.com oo caan ku ah in ay si joogto ah idiinku soo gudbiso wararka suuqa ugu dambeeyay iyo waliba kuwa ugu xasaasisan halkan ku soo bandhigi doontaa wararki ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Heshiis ay chelesea ku doonasay saxiixa Ben Chilwell ayaa ku dhaw in uu bur-buro saacadaha soo socda sabab la xidhiidha in uu xiddigu ku dhacay tijaabada caafimaadka chelsea (Sun).

Kooxda Man United ayaa si Rasmi ah uga hadhay baacsigii ay ugu jirtay saxiixa xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho xagaagan (Express).

Kooxda chelsea ayaa ku dhaw saxiixa daafaca dhexe ee Thiago Silva kaas oo hal sano u saxiixi doona Blues (Sky Sport).

Philippe Coutinho ayaa diiday in uu meesha ka saaro ka tagista Barcelona xagaagan (Express).

Daafaca kooxda Lille ee Gabriel Magalhaes ayaa ogolaaday in uu ku biiro Arsenal waxana heshiiskiisa lagu dhawaaqi doonaa maalmaha soo socda (Guardian).

Bournemouth ayaa ogolaatay in ay Man United ka iibiso xiddiga garabka ka ciyaara ee David Brooks hadii ay dalab ka gudbiso (Mail).

Tababaraha Cusub ee Barcelona ee Ronald Koeman ayaa doonaya in uu kooxdiisa xagaagan keeno xiddigaha Lautaro Martinez, Eric Gracia iyo Jose Gaya (Sport).

Kooxda Barcelona ayaa sidoo kale xiiso u qabta saxiixa xiddiga kooxda Ajax ee Nicolas Tagliafico (Mundo Deportivo).

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay ka fiirsanayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa Cristiano Ronaldo hadii uu Lionel Messi ka tago kooxda (Mundo Deportivo).

Musharaxa madaxweyne ee kooxda Barcelona Jordi Farre ayaa sheegay in uu wadahadalo la qaatay tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp si uu u hogaamiyo Barcelona hadii uu ku guulaysto madaxtinimada kooxda (Sport)

Luis Figo ayaa Lionel Messi U Sheegay in uu maro wadadiisii kuna Biiro kooxda Real Madird xagaagan (Marca)

Pual Pogba ayaa go’aansaday in uu sii joogo kooxda Man United waliba heshiis cusub u saxiixo kooxda (Sky Sport).

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay 48 saac ee soo socda dhamaystiri doonto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Thiago Alcantara (Sky Sport).

Sii Akhriso: Xubno Ka Tirsan Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaliya Oo Weerar Ku Qaaday Guriga Taliyaha Ciidamada Harmacad-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here