Cody Gakpo ayaa Kashifay Sababtii Uu Isaga Diiday Man United & Qofkii Ku Qanciyay In Uu Diido Red Devils kadib markii uu si Rasmi ah ugu biiray Liverpool.

Saxiixa cusub ee Liverpool Cody Gakpo ayaa qirtay in Virgil van Dijk uu saameyn cajiib ah ku lahaa inuu ku qanciyo inuu u dhaqaaqo Anfield.

Weeraryahanka reer Holland ayaa lala xidhiidhinayay kooxo badan oo reer yurub ah ka hor suqa January laakiin Reds ayaa si deg-deg ah u dhamaystirtay heshiiskiisa.

Gakpo ayaa ka mid ahaa xiddigihii ugu fiicnaa koobkii adduunka isaga oo dhaliyay 3 gool 5 kulan oo uu u ciyaaray xulka Netherlands waxana si weyn loola xidhiidhinayay Man United.

Tababaraha Man United ee Erik Ten ayaa xitaa shir jaraa’id ka sheegay in uu doonayo Gakpo isla markaas kooxdiisu ku dhawdahay saxiixiisa.

Laakiin Van Dijk ayaa door weyn ka qaatay in uu xiddigu iska diido Man United kuna biiro kooxda Liverpool sida uu ku xaqiijiyay waraysigii laga qaaday markii uu noqday xiddig Liverpool ah.

“Waxa aan Van Dijk ku wadahadalnay Telefoonka maalmihii la soo dhaafay waxa uu ii sheegay in ay Liverpool tahay kooxda ugu fiican ee aan horumar ku samayn karo kuna noqon karo xiddig cajiib ah”.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here