Cristiano Ronaldo Oo Cabsi Uu Ka Qabo Inuu Guuldareysto Darteed Xilli Hore U Gali Waayay Hoolka Xafladda Serie A-da Ee Xalay.

Advertisements

Lionel Messi ayaa xalay markii lixaad ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or, balse isla wakhtigaas Cristiano Ronaldo wuxuu hantay abaalmarinta xiddigii ugu wanaagsanaa horyaalka Serie A-da fasalkii lasoo dhaafay, balse sheeko cajiib ah ayaa laga soo tabinayaa wixii xalay ka dhacay magaalada Milano.

Weeraryahanka Juventus wuxuu ku guuleystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican horyaalka talyaaniga fasalkii lasoo dhaafay (2018-19), wuxuuna doortay inuu aado xafladii ka dhaceysay magaalada Milan halkii uu aadi lahaa Paris oo lagu qabanayay xafladda abaalmarinta Ballon d’Or.

Wariyaha xogaha horyaalka talyaaniga u gudbiya hillinka BeIN Sports (Tancredi Palmeri) ayaa ka dhawaajiyay in Cristiano Ronaldo uusan gaarigiisa kasoo dagin ilaa lagu dhawaaqo inuu yahay xiddiga ugu fiican horyaalka talyaaniga, waxeyna taas ka dhigan tahay inuu xiddiga cabsi weyn ka qabay xitaa inuu waayo abaalmarinta xafladda uu soo aaday.

Si xaaladda aysan u noqon mid ku baahda dunida, ilaaladiisa gaarka ayaa ka shaqeeyay ineysan kaamirooyinka qaban markii uu galayay hoolka xafladda, waxeyna taasi muujineysaa sida uu ciyaartoyda uga shaki qabay, una diidayay inuu muuqaal ku yeesho xafladda isagoo guuldareystay.

“Caadi ma ahan! Ronaldo wuxuu gaarigiisa ku sugayay wakhtiga lagu dhawaaqayo inuu ku guuleysto abaalmarinta” ayuu twitter-ka kusoo qoray Palmeri.

“Kadib markii la gaaray wakhtiga, ugu dambeyntii wuxuu gudaha usoo galay masraxa, halka ilaaladiisa ay u tilmaamayeen kaamirooyinka”

Advertisements

Si kastaba macquul ma aheyn inuu Ronaldo waayo marka laga hadlo in xafladda lagu beegay habeenka Ballon d’Or, lagu casuumay xiddiga reer Portugal, waxaana si hordhac ah loo sii ogaa inuu ku jiray kooxdii ugu fiicneed fasalkii lasoo dhaafay.

Ugu dambeyntiina Ronaldo wuxuu si layaab leh u muujiyay dhaqamadii lagu yaqaanay, marba hadii uusan soo galin xafladda ilaa lagu dhawaaqo inuu yahay guuleystaha abaalmarinta xiddiga ugu fiican Serie A-da fasalkii lasoo dhaafay.

[embedded content]

Source: laacibfm

WARARKII