Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa dignin u diray kooxaha Serie A-da, Yurub iyo Adduunkaba xilli ay kooxdiisu bilaabatay isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Ronaldo oo Juventus kula guulaystay horyaalka Serie A-da 2 jeer sidoo kale kooxda kula guulaystay Supercoppa laakiin wali ku dhibaatoonaya champions League.

Inkasta oo uu 35 jir yahay hadana Cristiano ayaa wali u gaajaysan ku guulaysiga koobab isaga oo ka hoos ciyaaraya tababaraha cusub ee Andrea Pirlo.

Ronaldo ayaa bartiisa Instagram ku soo qoray:”Xilli aan isku diyaarinayo xilli ciyaareedkaygii seddexaad ee aan u ciyaarayay Juventus, Ruuxdayda iyo hamigeygu aad ayay uga sareeyaan sidii horem Goolal, Guulo, ka go’naansho iyo xirfadnimo”.

“Aniga oo adeegsanaya awoodayda oo dhan caawimaadda qaaliga ah ee asxaabteyda kooxda iyo dhammaan shaqaalaha kooxda Juventus, waxaan mar labaad u shaqaynaynaa sidii aan ugu guulaysan lahayn koobabka Italy, yurub iyo waliba adduunka”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here