Kulanka ugu horeeya ee uu Cristiano Ronaldo Ku ciyaari doono dalka Saudi Arabia tan ilaa markii uu ku biiray Kooxda Al-Nassr ayaa noqon doona mid uu ka hor iman doono xiddiga ay sida weyn u xafiiltamaan ee Lioenl messi.

Ronaldo ayaa si Rasmi ah ugu biiray Al-Nassr bilowgii suuqa January kadib markii uu ka tagay kooxda Man United laakiin ilaa haatan kooxdiisa uma ciyaarin kulan Rasmi ah.

Xiddiga reer Portugal ayaa ka qayb gali doona kulanka Xiddigaha isku darka ah ee Kooxaha Al-Nassr iyo Al-Hilal ee ka hor tagi doona kooxda PSG kulan saaxiibtinimo oo dhici doona 19 bishan January ee lagu jiro sida laga soo xigtay The Guardian.

Kulankan ayaa noqon doona markii ugu horaysay ee ay xiddigaha Lionel Messi iyo Ronaldo isaga hor yimaadaan kulan muddo dheer.

Tababaraha Al-Nassr Rudi Garcia ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay jadwalka kulanka saaxiibtinimo ee PSG.

Sida laga soo xigtay L’Equipe, Garcia ayaa yiri:”Kulanka ugu horeeya Ronaldo ee dalka Saudi Arabia ma noqon doono maaliyada Al-Nassr, arintaas anigu kuma faraxsani arintaas”.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here