Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa raadinaya koox cusub ka hor furitaanka suuqa January kadib markii uu ka tagay kooxda Man United.

Cristiano Ronaldo Ayaa lala xidhiidhinayaa kooxda Al-Nassr ee ka ciyaarta dalka Saudi Arbia xilli ay jiraan warar sheegaya in uu wadahadalo kula jiro kooxda.

Hadii uu Cristiano Ronaldo ogolaado in uu ku biiro kooxda ka dhisan Saudi Arbaia waxa uu meel cidlo ah kaga tagi doonaa xiddiga ay xafiiltamaan ee Leo Messi dhinaca mushaharka.

Ronaldo ayaa mushahar ahaan u qaadan doona lacag dhan 3.4 todobaadkii taas oo aad uga badan xiddig kasta oo kubada cagta ah.

Gaar ahaan Cristiano Ronaldo ayaa meel iska saari doona xiddiga ay xafiiltamaan ee Leo Messi kaas oo ay sanadihii ugu dambeeyay xitaa ku tartamayeen mushaharka.

Waxa ku dhawaan doona Cristiano Ronaldo xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe kaas oo todobaadkii u xaadiri doona lacag dhan 1.6 milyan.

Image



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here