Cristiano Ronaldo Oo Waqtigii Dhimashada Guuldarro Ka Badbaadiyay Juventus, AC Milan Oo Casaan & Rigoore Muran Uu Ku Jiro La Isagu Daray

Advertisements

Cristiano Ronaldo ayaa guuldarro ka badbaadiyay kooxdiisa Juventus ka dib markii uu dhaliyay rigoore muran uu ku jiro waqtigii dhimashada ciyaarta iyagoo barbaro 1-1 ah ku qabtay AC Milan oo marti loo ahaa lugta hore ee semi-finalka Coppa Italia.

Qeybtii hore ee ciyaarta waxaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah iyadoo labada kooxood ay ciyaareen kubad adag oo weerar iyo weerar celis ah.

Zlatan Ibrahimovic ayaa qeybtii hore jaale qaatay taasoo ka dhigeysa inuu seegayo lugta labaad ee semi-finalka madaama ay diiwaanka ugu jirtay jaale uu qaatay Coppa Italia xilli ciyaareedkii 2010-11.

Daqiiqadii 61aad ee qeybtii labaad ee ciyaarta ayay AC Milan hogaanka u qabatay ciyaarta markii uu Ante Rebic shabaqa ku laabay karoos la soo qaaday.

Toban daqiiqo ka dib AC Milan ayaa noqotay 10 ciyaaryahan markii uu jaale labaad iyo casaan ka qaatay daafaca bidix Hernandez kaasoo qalad ku galay Paulo Dybala.

Daqiiqadii 90aad Juventus waxaa loo dhigay rigoore muran uu ku jiro markii dabal uu kacay Cristiano Ronaldo ay kubada gacanta uga dhacday Calabria isagoo sii jeeda.

Advertisements

VAR ayaa dib u eegtay dhacdada iyadoo garsooraha uu dib u daawaday waxaana uu go’aansaday inay rigoore tahay.

Ronaldo ayaa rigoorada u istaagay oo u barbareeyay kooxdiisa Juventus iyadoo kulanka lugta labaad ee semi-finalka ay ka dhici doonta Turin 4ta bisha Maarso.

Comments are closed.

Source: laacibfm

WARARKII