
Arsenal ayaa dardar galinaysa isku dayga ay ku doonayso saxiixa Eberechi Eze iyada oo uu xiddigu si weyn u doonayo in uu ku biiro Gunners.
Mikel Arteta ayaa isha ku haya in uu weerarkiisa ku daro xiddigo tayo leh kadib markii ay ku fashilmeen in ay ku guulaystaan horyaalka.
Eze ayaa wax weyn ku soo kordhin kara dookhyada garabka weerarka ee Arsenal Iyo waliba dhinaca kubad samaynta.
Arsenal ayaa wadahadalo la yeelatay wakiilada xiddiga iyaga oo kala hadlay heshiiska shaqsiga ah.
sida laga soo xigtay Evening Standerd, Arsenal ayaa doonaysa in ay Crystal Palace kala hadasho qiimaha xiddiga oo dhan 68 milyan isla markaas u bixiso 3 qayb oo kala duwan.
Laakiin kooxda Crystal Palace ayaa doonaysa in ay kaliya hesho qiimaha oo dhamaystiran isla mar kaliya.