Kooxda chelsea ayaa ku dhaw saxiixa daafaca kooxda Malanga Sarr kadib markii uu xiddiga reer France ogolaaday heshiis 4 sano ah oo uu u saxiixo Blues.

Xiddiga 21 jirka ah ayaa ah xiddig xor ah kadib markii uu iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda reer France ee Nice waxana bartilmaameedsanayay kooxo badan oo reer yurub ah.

Si kasta ha ahaatee chelsea ayaa u muuqata kuwo ku guulaystay saxiixiisa iyada oo wargayska Telefoot sheegayo in uu daafacu heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Blues qalinkana ku duugi doono heshiis 4 sano ah.

Dhamaystirka Saxiixa Sarr ayaa haatan ku xidhan in uu tijaabada caafimaadka ku baaso isaga oo u soo safri doona London maalmaha soo socda.

Arsenal ayaa ahayd kooxda ugu cad-cadayd saxiixiisa iyada oo uu Mikel Arteta doonayay in uu ku xoojiyo kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe laakiin Blues ayaa haatan kaga horaysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here