Kooxda Arsenal ayaa guul weyn ka gaartay kooxda Lyon kaddib markii ay kaga adkaatay 3 gool, kulan saaxiibtinimo oo ay wada ciyaareen garoonka Written ee magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Kooxda Arsenal ayaa ku guda jirta diyaar garow ka hor inta aan dib loo bilaabin xilli ciyaareedka kadib koobka adduunka haatan ka socda dalka Qatar.

Hogaamiyayaasha Horyaalka Ingiriiska ayaa 3 gool ka dhaliyay Lyon waxana daqiiqadii 19-aad goolka u dhaliyay xiddiga Gabriel Magallaes halka Nikitiah u dheereeryay daqiiqadii 33-aad.

Xiddiga Fabio Ferreira ayaana dhaliyay goolka 3-aad ee kooxdiisa daqiiqadii 39-aad isaga oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Xiddiga Nikitiah oo la filayo in uu noqdo badalka Gabriel Jesus inta uu dhaawacanyahay ayaa si fiican u ciyaaray waxana uu dhaliyay gool.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here