

Cristiano Ronaldo ayaa qolka Labiska ka daawaday kulankiisii ugu horeeyay ee kooxda Al-Nassr tan ilaa markii uu noqday xiddig kooxda ah.
Ronaldo ayaa todobaadkii hore ku biiray kooxda Al-Nassr waxana uu seegay kulanka isaga oo qolka Labiska kala socday ciyaarta kooxdiisa.
Xiddiga ayaa la arkay isaga oo ku fadhiya qalabka ay xiddiguhu ku jimicsanadaan isaga oo ciyaarta daawanaya.
Ronaldo ayaa sacabiyay kadib markii ay kooxdiisu dishay ciyaarta isla markaas dhalisay goolka 2-aad ee kulanka.
Indhaha adduunka oo dhan ayaa si dhaw ula socday ciyaarta iyada oo la filayay in uu Ronaldo ku bilowdo ciyaarta.
Ronaldo’s reaction to @talisca_aa’s 2nd Goal
pic.twitter.com/6s1hLRFLAj
— AlNassr FC (@AlNassrFC_EN) January 6, 2023
Laacibfm