Xiddigaha kooxda Arsenal ee Eddie Nketiah iyo Dani Ceballos ayaa dirqi lagu kala qabtay intii ay Arsenal ku jirtay tababarkii is kulaylinta ee ka horeeyay kulanka Fulham.
Xiddigaha Eddie Nketiah iyo Dani Ceballos ayaa dirqi lagu kala qaybtay 10 daqiiqo ka hor bilaabashada kulanka ay Arsenal la ciyaaraysay kooxda Fulham.
Labada xiddig ayaa isku dhacay intii lagu jiray is kulaylintii ka horaysay kulanka iyada oo ay kamerooyinku qabteen dagaalka dhexmaray labada xiddig.
Labada xiddig ayaan ku bilaaban shaxda Gunners ee kulanka laakiin ka mid ahaa xiddigii ka qayb qaadanayay isku diyaarinta kulanka.
You don’t see this every day ?
Dani Ceballos and Eddie Nketiah got into a heated exchange during a pre-match training routine ? pic.twitter.com/u1qMPuZ8Ux
— Football on BT Sport (@btsportfootball) September 12, 2020