Xidhiidhka kubada cagta adduunka ee FIF ayaa shaacisay 10-ka Gool ee u tartamaya Goolkii ugu fiicnaa tartankii koobka adduunka ee ka dhacay dalka Qatar.

FIFA ayaa sharaxday 10 gool kuwaas oo u tartami doona abaalmarinta Hyundai waxana ay u tartami doonaan goolka ugu fiican ee laga dhaliyay koobkii adduunka.

Koobka Adduunka oo muddo 28 maalin ah ka socday dalka Qatar ayaa soo afjarmay Axadii hore waxana ku guulaystay Xulka Argentina kuwaas oo ka qaaday xulka France.

Koobka adduunka ayaa laga dhaliyay goolal badan oo 172 ah oo ay kala dhaliyeen xulalka iyo xiddigaha kala duwan ee ka qayb galay koobka adduunka.

Laakiin waxa la soo xushay kaliya 10 gool kuwaas oo loo aqoonsaday kuwa ugu fiican ee laga dhaliyay koobkii adduunka.

Goolashaas ayaa u sii tartami doona Midka ugu fiican iyaga oo taageerayaasha kala duwan ee adduunku u codayn doonaan midka ay u arkaan midka ugu qurxda badan.

1. Goolkii Uu Salem Aldawsari Ka Dhaliyay Argentina (Suadi Arabia 2-1 Argentina)

2.Goolkii uu Richarlison ka dhaliyay Serbia (Brazil 2-0 Serbia).

3.Goolkii Uu Cody Gakpo ka dhaliyay Ecuador (Netherlands 1-1 Ecuador).

4.Goolkii Uu Enzo Fernández ka dhaliyay Mexico 

5.Goolkii Uu Vincent Aboubakar Ka Dhaliyay Serbia:

6.Goolkii Uu Luis Chávez Ka Dhaliyay Suadi Arabia:

7.Goolkii 2-aad Ee Kylian Mbappe Ka Dhaliyay Poland:

8. Goolkii uu Richarlison ka dhaliyay South Korea:

9.Goolkii Uu Baek Seung-geon Ka Dhaliyay Brazil

10.Goolkii Uu Neymar Ka Dhaliyay Croatia



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here