DAAWO: Qaabka Ay Manchester City Saf-sharafeedka Ugu Samaysay Liverpool

Ciyaartoyda Manchester City ayaa saf sharafeed ugu sameeyey Liverpool garoonka Etihad Stadium, halkaas oo ay laacibiinta Reds gudaha garoonka soo galeen iyadoo dhinacyada laga taagan yahay oo sacabka loo tumayo.

Tababare Pep Guardiola ayaa kaga dhabeeyey ballanqaadkii uu sameeyey ee ahaa inay saf u gelayaan ciyaartoyda Liverpool si ay ugu maamuusaan koobka horyaalka Premier League ee ay ku guuleysteen, waxaana uu xiddigihiisa ku safay labada dhinac ee laynka badhtanka garoonka ee ku beegan albaabka laga soo galo.

Ciyaartoyda Manchester City ayaa tumayay sacabka, waxaanay iskugu jireen ciyaartoyda safka hore ee ugu soo bilowday Citizens iyo xataa kuwa kaydka.

Laakiin Jurgen Klopp ayaan xiddigihiisa u wada ogolaanin in saf sharafeedka loo wada sameeyo, waxaana kaliya jidka maamuuska uu siiyey 11ka uu ku bilaabay ciyaarta, halka kuwa kaydku ay ku leexdeen kursiga kaydka.

Liverpool ayay wax weyn u ahayd inay helaan maamuuskan oo ay raadinayeen muddo soddon sannadood ah oo ay Premier League ka qatanaayeen, waxaana ugu dambaysay in horyaalka ay hantaan sannadkii 1990kii, hase yeeshee Jurgen Klopp ayaa shaqo weyn ka qabtay Anfield oo kusoo celiyey heerkii ay sannadaha qaarkood taagnaan jirtay.

Sannad ay kaalinta labaad galeen oo City ay hal dhibic kaga qaadday kaddib, waxay Liverpool 23 dhibcood ka hor martay isla naadiga dirqiga kaga xoogsaday.

Champions Leauge iyo Club Wold Cub ayuu Jurgen Klopp usoo qaaday Liverpool, mana muuqata wax is dhimis ah oo ku yimid, waxaanu dagaalka raadinta koobabka sii wadi doonaa xili ciyaareedka dambe.

Halkan ka daawo qaabkii ay Man City saf sharafeedka ugu samaysay Liverpool:

App-ka cusub ee laacibfm.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Source: laacibfm

WARARKII