Cristiano Ronaldo ayaa aamusiyay dadkii dhaleecayanayay kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay kulankii Riyadh Season ee u dhexeeyay kooxaha PSG iyo (Saudi All-Star).

Ronaldo ayaa ku bilowday shaxda isaga oo hogaaminaya kooxda (Saudi All-Star) waxana uu dhaliyay 2 gool ka hor intii uuna badal ku bixin qaybtii dambe ee ciyaarta.

Xiddiga Ronaldo oo ciyaaray kulankiisii ugu horeeyay ee Rasmi ah tan ilaa koobkii adduunka ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Sidoo kale CR7 ayaa marar badan ku dhawaaday in uu dhaliyo goolal kale gaar ahaan fursad uu Goolhayaha PSG ka badbaadiyay.

Kadib dhamaadka ciyaarta Ronaldo ayaa lagu abaalmariyay xiddiga ugu fiican ciyaarta isaga oo ku garaacay abaalmarinta xiddigaha PSG ee magaca weyn leh.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here