Xiddiga kooxda Al-Nassr ee Cristiano Ronaldo ayaa qaaday Tallaabo uu adduunka kaga yaabsaday lagana sheekaynayo kadib markii uu kooxdiisa ku hogaamiyay guul.
Ronaldo ayaa dhaliyay goolka guusha ee kooxdiisa kulankii ay ka badiyeen Al-Shabaab ee ka tirsanaa horyaalka sucuudiga.
Kooxda Cristiano ayaa looga hor maray 2 gool oo qaybta hore ah laakiin waxa ay samaysay soo laabasho cajiib ah iyaga oo sii waday u tartamista horyaalka.
Cristiano Ronaldo ayaa daqiiqadii 59-aad koxdiisa u dhaliyay goolka guusha isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/3 ay kooxdiisu ku hogaaminayso.
Ronaldo ayaa sameeyay arin ku cusub isaga shaqsi ahaan laakiin ay sameeyaan xiddigaha muslim-ka ah.
Cristiano Ronaldo ayaa la arkay isaga oo sujuudaya kadib markii uu dhaliyay goolka guusha ee kooxdiisa qaybtii dambe ee ciyaarta.
Arinta ayaa ah mid muran badan dhalisay maadama inta badan xiddigaha muslimka a sujuudaan marka ay goolasha dhaliyaan iyaga oo Illahay u mahad celinaya.

Related



Source link