Xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang ayaa Arsenal kula guulaystay koobka Community Shield-ka oo ay ka qaadeen kooxda Liverpool kulan ka dhacay garoonka Wembley.

Xiddiga reer Gabon ayaa goolka furitaanka u dhaliyay Arsenal daqiiqadii 13-aad kadib markii uu si qurux badan shabaqa u dhex dhigay kubada.

Kadib goolkaas Pierre-Emerick Aubameyang ayaa sameeyay dabaal dag uu goolkiisa ugu hibaynayo Jilaaga reer America ee Chadwick Boseman kaas oo u dhintay xanuunka Kansarka.

Chadwick Boseman oo caan ku ah filim-ka “Black Panther” ayaa dhintay jimcihii kadib muddo 6 sano ah oo uu la dagaalayay xanuunka uu u dhinay.

Sidaas darted Pierre-Emerick Aubameyang ayaa u dabaal dagay isaga oo gacamaha is dhaafiyay kadib markii uu goolka dhaliyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here