Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ayaa iska diiday kooxda Arsenal isgaa oo kooxdiisa Real Madrid u sheegay in uu doonayo in uu ku biiro Real Betis sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain.

Xiddiga khadka dhexe ayaa amaah ku qaatay kooxda Arsenal xilli ciyaareedkii hore waxana uu si xoogan ku dhamaystay xirfadiisa Arsenal markii uu kooxda kula guulaystay FA Cup-ka.

Si kasta ha ahaatee Real Madrid ayaa haatan qorshaynaysa in ay sii haysato xiddiga si ay fursad u siiso si uu Zidane ugu qanciyo in uu u ciyaaro Real Madrid.

Arsenal ayaa rajaynaysay in ay sii haysato xiddiga xitaa hadii ay heshiis amaah xilli ciyaareed kale ah ku sii haynayso.

Laakiin wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in uu xididgu Real Madrid u sheegay in uu doonayo in uu ku biiro Real Betis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here