Goolhayaha Kooxda Man United ee David De Gea ayaa ku guulaystay gacanta dahabka ah ee Goolhayaha Ugu Fiican Premier League xilli ciyaareedkan.
De Gea ayaa ilaashaday shabaqiisa kulamada ugu badan ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.
Goolhayaha reer Spain ayaa shabaqiisa ilaashaday 17 kulan horyaalka premier League xilli ciyaareedkan isaga oo kaga fiican dhamaan Goolhayayaasha kale ee horyaalka.
Inkasta oo ay 2 kulan u dhimantahay De Gea xilli ciyaareedkan hadana waxa uu haatanba ku guulaystay gacanta dahabka ah maadama uu 3 kulan ka horeeyo Goolhayaha ugu soo dhaw.
Inkasta oo uu dhaleecayn xoogan la kulmay xilli ciyaareedkan sabab la xidhiidha khaladaad uu sameeyay hadana De Gea ayaa shabaqiisa ilaashaday kulamada ugu badan.
Related