Kooxda chelsea ayaa qarka u saaran dhamaystirka saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Bayer Leverkusen ee Kai Havertz sida ay sheegayaan wararku.

Shabakada Sky Sporta ayaa haatan sheegaysa in ay kooxda chelsea dhigeeda Bayer Leverkusen kala heshiisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Kai Havertz.

Heshiiska ayaa ku kici doona lacaga dhan 100 milyan oo euro kadib wadahadalo muddo dheer qaatay oo ay labada kooxood ku jireen.

Ugu horayn Chelsea ayaa bixin doonta lacag dhan 80 milyan oo halka hore ah iyaga oo 20-ka milyan ee kale ku bixin doona lacago gunooyin ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here