Kooxda Chelsea ayaa dalab 130 milyan euro ah ka gudbisay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Benfica ee Enzo Fernandez, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Portugal.

Fernandez ayaa ka mid ah xiddigaha u soo baxaya kubada cagta kadib markii uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigay koobkii adduunka isla markaas ku guulaystay xiddiga ugu fiican tartanka.

Waxa jira kooxo badan oo doonaya saxiixa xiddiga Enzo Fernandez waxana ay Blues dalab Rasmi ah ka gudbisay xiddiga 21 jirk ah.

Xiddiga reer Argentina ayaa heshiiskiisa kooxda Benfica lagu bur-burin karaa lacag dhan 105 milyan oo euro, Blues ayaana diyaar u ah in ay bixiso lacagta ay Benfica doonayso.

Sida laga soo xigtay Record, kooxda Premier League ayaa dalab Rasmi ah oo dhan oo dhan 130 oo euro una dhiganta (£ 115m) ka gudbisay saxiixa xiddiga si ay ugu garaacdo kooxaha Man United, Liverpool iyo Newcastle kuwaas oo haatanba laga diiday dalabyo ay ka gudbiyeen.

Graham Potter Ayaa Enzo u doonaya in uu ku xoojiyo kooxdiisa qaybta dambe ee xilli ciyaareedka dambe si ay kooxdiisu ugu tartanto koobabka ay ku jirto.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here