Kooxda chelsea ayaan wakhti iska lumin waxana ay samaysay saxiixeedii ugu horeeyay ka hor furitaanka suuqa kala iibsiga Bisha January.

Chelsea ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda RB Leipzig ee Christopher Nkunku kaas oo ay ka dhigtay saxiixeedii ugu horeeyay.

Saxafiga caanka ah ee Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyay in heshiiska ay chelsea ku doonaysay saxiixa Christopher Nkunku la dhamaystiray lana soo xidhay.

Romano ayaa xaqiijiyay in uu Christopher Nkunku qalinka ku duugay heshiis wakhti dheer ah oo uu ku joogi doono kooxda chelsea.

Xiddiga reer France ayaa noqon doona xiddig Chelsea ah marka la gaadho bisha July ee sanadka 2023 kadib markii wax walba la dhamaystiray.

Xiddiga Christopher Nkunku ayaa inta ka dhiman xilli ciyaareedkan sii joogi doona kooxdiisa haatan maadama heshiiska lagu daray in amaah loogu diro kooxdiisa haatan.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here