Kooxda chelsea ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqday in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Thiago Silva kaas oo ay si xor ah ugala soo wareegeen kooxda PSG.

Daafaca khabiirka ah ee Thiago Silva ayaa qalinka ku duugay heshiis hal sano ah oo uu kula joogi doono kooxda ku ciyaarta Stamford Bridge.

Daafaca ayaa sidoo kale dookh u haysata in uu heshiis hal sano ah ku darsado hadii uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo xilli ciyaareedka dambe.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ku biiro Chelsea, aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ka qayb noqdo kooxda xiisaha leh ee Frank Lampard, waxana aan doonayaa in aan koobab kula guulaysto kooxda”ayuu Silva yidhi.

Thiago Silva ayaa noqday saxiixii 5-aad ee kooxda chelsea iyo saxiixii 3-aad ee maalmihii ugu dambeeyay kadib markii ay shalay iyo daraad ku soo biireen xiddigaha Ben Chilwell Iyo Malanga Sarr.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here