Kooxda chelsea ayaa sii wada wacdarihii ay ka dhigaysay suuqa kala iibsiga iyada oo qarka u saaran dhamaystirka saxiix cusub.

Saxafiga Fabrizo Romano ayaa sheegaya in ay chelsea ku dhawdahay saxiixa xiddiga kooxda PSV ee Noni Madueke Kaas oo ay ka dhigayso saxiixeedii ugu dambeeyay ee suuqa January.

Kooxda chelsea ayaa dhigeeda PSV kala heshiisay qiimaha xiddiga si ku meel gaadh ah iyaga oo bixinaya lacag dhan 35 milyan oo euro.

Xiddiga Noni Madueke ayaa qalinka ku duugi doona heshiis wakhti fog ah maalamaha soo socda.

Xiddiga Noni Madueke oo ka ciyaari kara garabka weerarka iyo waliba No.10 ayaa la filayaa in uu saacadaha soo socda u duulo magaalada London si uu u dhamaystiro heshiiska.

Noni Madueke ayaa noqon doona saxiixii 4-aad ee ay kooxdu samayso ama dhamaystirto suuqa January ee ilaa haatan bartamaha maraya.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here