Kooxda Arsenal ayaa dhamaystirtay saxiixii 2-aad ee suuqa January iyada oo la soo wareegtay xiddiga Jakub Kiwior.

Arsenal ayaa xiddiga Jakub Kiwior kala soo wareegtay kooxda reer Italy ee Spezia kaas oo ay ka dhigtay saxiixeedii 2-aad.

Gunners ayaa Jakub Kiwior ka bixisay lacag dhan 20 milyan oo euro oo ay ku jirto lacago gunooyin ah.

Xiddiga Jakub Kiwior ayaa ogolaaday heshiis 5 sano ah oo uu qalinka ku duugi doono kooxda saacadaha soo socda.

Xiddiga 22 jirka a ayaa tijaabada caafimaadka u mari doona kooxda Arsenal 48 saac ee soo socda ka hor inta ayna kooxdu ku dhawaaqin saxiixa xiddiga.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here