Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Benfica ee Enzo Fernandez ayaa ogolaaday in uu ku biiro kooxda chelsea sida ay sheegayaan wararku.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegaya in ay chelsea wadahadalo toos ah kula jirto kooxda Benfica si ay u hesho saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Enzo Fernández.

Enzo Fernández ayaa ka mid ah xiddigaha sida weyn looga raadinayo suuqa January kadib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay tan ilaa markii uu ku biiray Benfica.

Xiddiga reer Argentina ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda Benfica inta lagu jiro suuqa January si uu ugu biiro koox weyn oo ka ciyaarta horyaalada waaweyn.

Kooxaha Real Madrid, Liverpol iyo Man United ayaa muddo lala xidhiidhinayay saxiixa xiddiga Enzo Fernández kaas oo diyaar u ah in uu ka tago Benfica.

Laakiin chelsea ayaa haatan hogaanka u qabatay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga reer Argentina isla markaas ku dhaw saxiixiisa.

Romano ayaa sheegaya in ay chelsea wadahadalo toos ah kula jirto kooxda Benfica si ay u helaan saxiixa xiddiga Enzo Fernández.

Kooxda chelsea ayaan diyaar u ahayn in ay bixiso lacagta lagu bur-burinayo heshiiska xiddiga ee 120-ka milyan ah laakiin waxa ay diyaar u tahay in ay lacag badan siiso Benfica laakiin ku bixiso qayb-qayb sanadaha soo socda.

Xiddiga Enzo Fernández ayaa haatanba ogolaaday in uu ku biiro kooxda chelsea waxana uu aqbalay ku biirista Stamford Bridge suuqa January.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here