Gareth Bale ayaa noqon doona xiddiga cusub ee kooxda Tottenham laakiin waxa uu muddo bil ah sugi doonaa in uu kulankiisa ugu horeeya u ciyaaro kooxda.

Xiddiga reer Wales ayaa maanta gaadhay London isaga oo dhaawac ah taas oo la macno ah in ay Tottenham sugayso soo laabashada xiddiga.

Kadib markii uu ka soo laabtay waajibaadka xulka qarankiisa xiddiga ayaa dareemay dhaawac waxana uu si gaar ah tababar ugu qaadanayay Real Madrid todobaadyadii ugu dambeeyay.

Kadib markii uu tijaabada caafimaadka u maray kooxda Tottenham waaxda caafimaadka kooxda ayaa xaqiijiyay in uu dhaawacyahay waliba muddo 4 toodbaad ah garoomada ka maqnaan doono.

Dhaawaca laga helay Bale ayaan wax saamayn ah ku yeelan doonin heshiiska uu xiddiga 31 jirka ah ugu biirayo kooxda Tottenham sida ay sheegayaan wararku.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here