DEG DEG: Isku Aadka Wareega 3aad Ee Copa del Rey Oo La Soo Saaray – Kooxaha Ugu Waa Weyn La Liga Oo Kala Badbaaday

Advertisements

Isku aadka wareega 3aad ama wareega 32da kooxood ee Copa del Rey ayaa la soo saaray goordhaweyd iyadoo ay kala badbaadeen kooxaha ugu waa weyn horyaalka La Liga.

Afartii kooxood ee ka qeyb gashay tartanka Spanish Super Cup waxaa la siiyay isku aad fiican madaama lagu aadiyay dhamaantood kooxo yaryar oo ka ciyaara horyaalka heerka seddexaad ee Spain.

Barcelona waxay booqan doontaa kooxda yar ee Segunda B ka ciyaarta ee Ibiza oo garoonkeeda uu qaado kaliya 4300 taageere halka Real Madrid ay u safri doonto kooxda heerka seddexaad ee Unionistas Salamanca oo la aas-aasay kaliya 2013kii.

Atletico Madrid waxay isku soo aadeen oo ay booqan doonaan kooxda heerka seddexaad ee Cultural Leonesa halka Valencia ay ku aaday kooxda Logrones.

Isku Aadka Oo Dhameystiran Waa Sida Tan:

Ibiza vs Barcelona

Logroñes vs Valencia

Cultural Leonesa vs Atlético Madrid

Unionistas Salamanca vs Real Madrid

Ebro vs Leganés

Badajoz vs Eibar

Badalona vs Granada

Receativo Huelva vs Osasuna

Rayo Vallecano vs Real Betis

Mirandés vs Celta Vigo

Tenerife vs Real Valladolid

Girona vs Villarreal

Elche vs Athletic Bilbao

Real Zaragoza vs Real Mallorca

Advertisements

Sevilla vs Levante

Real Sociedad vs Espanyol

Source: laacibfm

WARARKII