DEG DEG: Jamaahiirta Manchester United Oo Ka Cadhooday Go’aan Uu Tababare Ole Gunnar Solskjaer Gaadhay Ka Hor Kulanka Watford

Advertisements

Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa su’aal ka keenay go’aan ay u arkeen qalad oo uu qaatay tababarahooda Ole Gunnar Solskjaer kulanka Watford ee horyaalka Premier League.

Solskjaer ayaa kaydka dhigay laacibka dhowaanta kusoo biiray ee Odion Ighalo xilli ay United la ciyaarayso Watford oo uu hore uga tirsanaan jiray xiddiga reer Nigeria, waxaanu ka door biday da’yarka Mason Greenwood oo uu kusoo bilaabay.

Tababaraha ayaa hore usii sheegay inay suurtogal tahay in Ighalo uu kusoo bilaabo kulanka Watford, laakiin jamaahiirta ayaa ka dhex waayey shaxda garoonka soo gashay, waxaanay dareenkooda kusoo bandhigeen baraha bulshada, iyagoo macallinka ku canaantay go’aanka uu ku fadhiisiyey oo ay u arkayeen inuu qalad yahay.

Taageere kasoo horjeeda go’aanka xulasho ee Solaskjaer ayaa barta Twitterka soo dhigay: “Mee IGHALO?”

Su’aashan waxayy hoggaamisay falcelin kale oo qabsatay Twitterka, laakiin waxay dhamaantood ka midaysnaayeen inay doonayeen in Ighalo uu hoggaamiyo weerarkooda maanta.

Advertisements

“Ma xumid laakiin Ighalo ayaa ka wanaagsan James” Ayuu mid kale soo qoray

Taageere kale ayaa waxa uu isaguna yidhi: “Maxaad u fadhiisisay Ighalo?”

Comments are closed.

Source: laacibfm

WARARKII