Karim Benzema ayaa ku dhawaaqay inuu ka fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah maalin ka dib markii France ay guuldarro guuldaro kala kulmay xulka Argentina final-ka koobka adduunka.

Halyeeyga Reer France ayaa baraha bulshada ku soo qoray hadal u muuqda in uu ka fadhiistay ciyaaraha xulka qarankiisa.

Benzema ayaa qoray”Waxa aan sameeyay dadaal iyo khalad waxana ay i gaysay meesha aan maanta joogo waanan ku faanayaa”

“Aniga ayaa qoraya sheekadayda sheekadaasna way dhamaanaysaa”.

Benzema ayaa seegay koobkii adduunka inkasta oo uu ka qayb ahaa liiska xiddigaha loo xushay ka qayb galka koobka adduunka.

Laakiin dhaawac soo gaadhay ayaa u diiday in uu ka qayb galo koobka adduunka iyada oo uu tababaruhu diiday in uu ku soo laabto xulka kadib markii uu ka soo kabsaday dhaawaca.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here