DEG-DEG: Kooxda Ajax Oo Xaqiijisay In Xiddigooda Hakim Ziyech Uu Xagaaga Soo Aadan Ku Biiri Doono Chelsea.

Advertisements

Kooxda Ajax Amsterdam ayaa xaqiijisay iney arinta Hakim Ziyech kala heshiiyeen dhigooda Chelsea isla markaana xiddiga uu 1-da July 2020 ku biiri doono kooxda ka dhisan galbeedka London.

Labada kooxood waxey ku heshiiyeen 40 Malyan oo Yuuro, waxaana jiri doona lacago gunno ah oo wadar ahaan heshiiska gaarsiin kara 44 Malyan oo Yuuro, kuwaas oo waxyaabo gaar ah ku xiran.

Advertisements

Heshiiska xiddiga reer Morocco uu kula jiray Ajax wuxuu dhamaanayay 30-ka June 2020, balse wuxuu isaga tagi doonaa kooxdiisa marka uu dhamaado fasalkaan sida la xaqiijiyay.

11-kii September 2016 ayaa ugu horreysay inuu Ajax kasoo muuqdo kulan ay 1-0 kaga badiyeen Vitesse, 160 kulan ayuu kooxda koowaad ee Ajax u ciyaaray, wuxuuna dhaliyay 49-gool.

Ajax waxey sidoo kale baraha bulshada kusoo qoreen daqiiqado ka hor in 138 Maalmood kaliya ay ka harsan tahay nolosha Hakim Ziyech ee Ajax, waxeyna jamaahiirta ugu baaqeen iney ku raaxeystaan taabasho walba oo uu xiddigaan sameeyo wakhtigiisa yar.

Dhinaca kale waxaa jiray sidoo kale qoraal ay Ajax soo dhigeen twitter-ka oo ay digniin ku siinayaan maamulka Blues wuxuuna u qornaa sidaan:

โ€œHey Chelsea, waad inaad aamintaan mucjisadiisa, wax weyn ayaa dhici doonaโ€

Comments are closed.

Source: laacibfm

WARARKII