Saxiixa cusub ee kooxda Liverpool ee Thiago Alcantara ayaa karantiil ku jira kadib markii laga helay xanuunka Korona.

Thiag ayaa muujiyay calaamadaha xanuunka ka hor kulankii Arsenal ee Isniintii taas oo keentay in laga reebo gabi ahaan kulankii xalay.

Liverpool ayaa sheegtay in uu xiddigu xaalad fiican ku jiro inkasta oo uu muujiyay calaamadaha xanuunka.

Xiddiga 29 jirka ah ayaa ka qayb qaatay tababarka kooxda Jimcihii laakiin waxa si weyn looga shaki qabay taam ahaanshihiisa.

Xiddiga reer Spain ayaa kadib seegay kulankii Isniintii ay Liverpool guusha 3/1 ah ka gaadhay kooxda Arsenal kulan ka dhacay Anfield.

Xiddiga ayaa haatan karantiil ku jira waxana ay kooxdu xaqiijisay in uu kulamada Liverpool taam u noqon doono kadib fasaxa xulalka.

Laacib.net


Source: Laacibfm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here