Xidhiidhka xulka qaranka Uruguay ayaa xaqiijiyay in xiddiga Luis Suarez laga helay xanuunka Korona xilli uu ku sugnaa waajibaadka xulka qarankiisa Uruguay.

Warkan ayaa imanaya ka hor kulanka adag ee uu xulka Uruguay la ciyaari doono xulka Brazil kulan ka tirsan is reeb-reebka koobka adduunka.

Xidhiidhka Uruguay ayaa baadhitaan ku sameeyay xiddigaha xulka qaranka ka hor kulanka Brazil waxana soo baxday in xanuunka laga helay Suarez iyo 2 xiddig oo kala ah Rodrigo Muñoz & Matías Faral kuwaas oo seegi doona kulanka Brazil.

Xanuunka Korona ayaa si weyn looga helayaa xiddigaha kubada cagta marka ay aadaan waajibaadka xulalka kaas oo lagu jiray maalmihii ugu dmabeeyay.

Suarez ayaa sidoo kale seegi doona kulanka adag ee ay kooxda Atletico Madrid ka hor tagi doonto kooxdiisii hore ee Barcelona horyaalka La Liga.

Source: laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here