Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay ku guulaystay saxiixa xiddiga weerarka ka ciyaara ee Edison Cavani kaas oo 20 milyan oo mushahar ah ugu biiraya Old Trafford.

United ayaa xiddiga 33 jirka ah wadahadalo la furtay kadib markii uu isaga tagay kooxda PSG Markii uu dhacay heshiiskiisa kooxda reer France.

United ayaa u leexatay Cavani kadib markii ay isaga hadhay baacsigii ay ugu jirtay xiddiga Borussia Dortmund ee Jadon Sancho kaas oo lacag waali ah lagu iibinayay.

United ayaa la sheegayaa in ay heshiis 2 sano ah ka saxiixan doonto xiddiga isaga oo todobaadkii mushahar ahaan u qaadan doono 200 kun oo Gini.

Sii Akhriso: Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Mohamed Hussein Roble Oo Sameeyay Balanqaad Ku Saabsan Doorashada.

Laacib.net

Source: laacibfm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here