Kooxda Man United ayaa qarka u saaran saxiixa xiddiga weerarka ka ciyaara ee Wout Weghorst kadib markii ay kooxda Besiktas kala heshiisay qiimaha xiddiga.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa haatan sheegaya in ay Man United heshiis la gaadhay kooxda Besiktas si ay u hesho saxiixa xiddiga weerarka ka ciyaara ee Wout Weghorst.

Isla saxafiga ayaa shegay in ay Man United ogolaatay in ay bixiso lacag dhan 3 milyan oo euro oo ah lacagta mag- dhawga ah.

Wout Weghorst Ayaa Besiktas kaga soo biiray Burnley xagaagii isaga oo kooxda kula joogay qaab amaah ah.

Erik Ten Hag ayaa Wout Weghorst u calaamadsaday badalka Cristiano Ronaldo kaas oo ka tagay kooxda bishii November ee sanadkii hore.

Kooxda Besiktas ayaa haatan bilaabi doonta raadinta badalka Wout Weghorst ka hor inta ayna xiddiga u ogolaan in uu ku biiro kooxda Man United.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here