Kooxda Man United ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Alex Telles kaas oo ay kala soo wareegtay Kooxda Fc Porto.

Telles ayaa qalinka ku duugay heshiis wakhti fog ah oo 4 sano ah isaga oo noqday saxiixii 2-aad ee ay Man United ku dhawaaqdo.

Xiddiga reer Brazil ayaa maanta tijaabada caafimaadka u maray kooxda Man United iyada oo kooxdu haatan si Rasmi ah ugu dhawaaqday.

Telles oo 27 jir ah ayaa la filayaa in uu booska daafaca Bidix kula tartamo xiddiga Luke Shaw kaas oo qaab ciyaareed Liita soo bandhigay kulamadii ugu dambeeyay.

Sii Akhriso: Booliska Somaliland Oo Xidhay Rag Diinta Kiristaanka Ku Faaniyay Dalka.

Laacib.net

Source: laacibfm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here