Madaxweynaha Dalka Turkey ee Recep Tayyip Erdoğan ayaa u muuqda mid xaqiijiyay in uu xiddiga Cristiano Ronaldo ku biiri doono kooxda ka ciyaarta horyaalka Saudi Arabia ee Al-Nassr.

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxda Al-Nassr tan ilaa markii uu Ronaldo ka tagay kooxda Man United dhamaadkii bishii November.

Cristiano Ronaldo ayaa ilaa haatan ku dhibaatoonaya in uu helo koox reer yurub ah oo doonaysa saxiixiisa iyada oo wakiilkiisu u soo bandhigay kooxo badan oo reer yurub ah laakiin kooxahaas ayaa iska diiday saxiixiisa.

Waxa jira haatan warar sheegaya in uu Cristiano Ronaldo ku biirayo kooxda Al-Nassr ee ka ciyaarta horyaalka Saudi Arabia.

Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa in uu xitaa ku suganyahay magaalada Riyad si uu heshiis ugu saxiixo kooxdiisa cusub.

Madaxweynaha Dalka Turkey ee Recep Tayyip Erdoğan Ayaa haatan xaqiijiyay in uu Cristiano Ronaldo ku biiri doono kooxda ka ciyaarta horyaalka Saudi Arabia.

“Sida xogta aan kuhelay Cristiano Ronaldo ayaa kusii jeeda dalka Sacuudiga”ayuu yidhi Recep Tayyip Erdoğan.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here