Virgil van Dijk ayaa dhaawac uga baxay kulankii ay Liverpool bar-baraha la gashay kooxda RB Salzburg Kulan ka tirsanaa saaxiibtinimooyinka labada kooxood.

Reds ayaa bar-baro 2/2 ah ku dhaafi wayday kooxda RB Salzburg Kulan ka dhacay garoonka Red Bull Arena kulankoodii ugu dambeeyay ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Daafaca Liverpool ee Van Dijk ayaa qaybtii dambe lagu badalay xiddiga Nat Phillips kadib markii uu dhaawac ka soo gaadhay isha dusheeda.

Xiddiga ayaa ka baxay ciyaarta isaga oo isha dusheeda ku haya waxyaabo dhiiga ka joojiya kadib markii uu dhiig ka soo daatay kadib dhaawaca soo gaadhay.

Dhaawaca ayaan u muuqan mid halis ah waxana ay u badantahay in uu taam u noqdo kulanka Community Shield-ka ee ay Liverpool la ciyaari doonto Axada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here