Xidhiidhka Kubada cagta Masar ayaa sheegay in xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Mohamed Elneny laga helay xanuunka Korona kadib baadhitaankii la sameeyay ka hor kulanka Togo.

Xiddiga khadka dhexe ee Mohamed Elneny ayaa ku sugan waajibaadka xulka qarankiisa isaga oo kala qayb qaadanaya is reeb-reebka koobka Africa.

Xiddiga Mohamed Elneny ayaa xulka Masar ula safray Togo ka hor kulanka salaasada ee is reeb-reebka koobka qaarada Africa.

Kadib markii ay gaadheen caasimada Togo waxa xiddigaha laga qaaday baadhitaanka xanuunka Korona ka hor kulankooda salaasada.

Laakiin Mohamed Elneny ayaa laga helay xanuunka Korona waxana uu seegi doonaa kulanka salaasada isaga oo gali doona karantiil.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah kooxda Arsenal marka loo eego in uu Mohamed Elneny yahay xiddig muhiim u ah kooxda Tan ilaa markii uu ku soo laabtay kooxda.

Kadib markii laga helay xanuunka Korona Mohamed Elneny ayaa la filayaa in uu karantiil galo muddo 10 maalin ah ka hor inta uuna ku soo laaban.

Source: laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here