Xidhiidhka Xirfadlayaasha kubada cagta ee PFA ayaa soo saaray xiddiga ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican xilli ciyaareedka premier League ee PFA.

Abaalmarintan oo ay u tartamayaan xiddigihii ugu fiicnaa ee qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay xilli ciyaareedkii dhamaaday ayaa la shaaciyay xiddigii ku guulaystay.

Xiddiga Kevin De Bruyne ayaa loo magacaabay xiddiga ugu fiican ee xilli ciyaareedkii la soo dhaafay kadib qaab ciyaareed cajiib ah.

Kevin De Bruyne ayaa abaalmarinta ku mutaystay qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Kevin De Bruyne ayaa caawiye ka noqdayy 20 gool horyaalka premier League xilli ciyaareedkii hore isaga oo kooxdiisa ka caawiyay in ay ku dhamaysato kaalinta 2-aad.

Kevin De Bruyne  ayaa abaalmarinta ku garaacay xiddigaha kale ee Virgil Van Dijk, Jordan Henderson, Alexander-Arnold, Raheem Sterling & Sadio Mane.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here