Xidhiidhka FA-ga ee kubada cagta England ayaa go’aan Rasmi ah ka gaadhay Mustaqbalka Tababare Gareth Southagate kadib markii xulka wareega 8 dhamaadka looga reebay koobka adduunka.
Gareth Southgate ayaa sii ahaan doona tababaraha xulka qaranka England.
Wargayska Sportsmail ayaa sheegay in ay jirtay rajo uu xidhiidhka FA-gu ka qabo in uu tababaruhu sii joogi doono xilkiisa.
Tababaraha 52 jirka ah ayaa la filayaa in uu maamulka FA-ga u sheegi doono in uu sii ahaan doono tababaraha xulka qaranka labada sano ee soo socota.
Southgate aya kadib guuldaradii xulka England ka soo gaadhay France kulankii 8 dhamaadka sheegay in uu ka fiirsanayo mustaqbalkiisa xulka England.
Haatan tababaraha ayaa go’aamiyay in uu sii joogi doono booskiisa isla markaas xulka hogaamin doono tartanka 2024 ee euro-da.