Tababare Zinedine Zidane ayuu xaalku ku sii xumaanayaa kadib markii ay kooxda Real Madrid xaqiijisay dhaawac soo gaadhay xiddiga Álvaro Odriozola kadib saacado markii ay xaqiijisay dhaawaca daafaca Midig ee Dani Carvajal.

Real Madrid ayaa shalay jimcihii xaqiijisay dhaawac soo gaadhay xiddiga Dani Carvajal kaas oo haatan la filayo in uu garoomada ka maqnaado muddo 2 bilood ah.

Real Madrid ayaa maantana xaqiijisay dhaawaca soo gaadhay daafaca Badalka u ah Carvajal ee Álvaro Odriozola kaas oo dhawaan ku soo laabtay kooxda markii uu soo dhamaystay amaah uu uga maqnaa.

Álvaro Odriozola ayaa baadhitaan lagu sameeyay waxana cadaatay in uu ka dhaawacmay jilibka lugta Bidix.

Kooxda Real Madrid ayaa saacadaha soo socda qiimayn doonta xaalada xiddiga si loo ogaado mudada uu garoomada ka maqnaan doono.

Dhaawacan ayaa khatar galinaya Zidane iyo kooxdiisa marka loo eego in xilli ciyaareedka oo bilow ah dhaawacyadu ku soo badanayaan kooxda.

Sii Akhriso: DEG-DEG: Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump Oo Cusbitaalka La Dhigay & Xaaladiisa Oo Sii Xumaanaysa.

Laacib.net

Source: laacibfm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here