Xiddiga xulka Argentina ee Lionel Messi ayaa jabiyay rikoodh uu Pele ka dhigay koobka adduunka kadib markii uu xulkiisa ka caawiyay in ay garaacdo xulka Netherlands.

Lionel Messi ayaa ku lug lahaa labadii gool ee uu xulkiisu dhaliyay intii ay ciyaartu socotay waxana uu jabiyay rikoodh la dhigay 1966-kii.

Messi ayaa caawiye ka noqday goolkii 1-aad ee uu xulkiisu dhaliyay ka hor inta uuna dhalin rikoodhe loo dhigay xulkiisa qaybta dambe ee ciyaarta.

Kadib goolkaas Lionel Messi ayaa caawiyay ama dhaliyay goolkiisii 5-aad ee kulamada bug baxa koobka adduunka isaga oo sii wada wacdarihii uu dhigayay.

Lionel Messi ayaa haatan ah xiddiga ugu badan ee caawiyay ama dhaliyay gool kulamada bug baxa isaga oo dhaafay Pele oo rikoodhkaas ku lahaa 4 caawin iyo gool.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here