Xiddiga xulka qaranka Cameroon ee Vincent Aboubaka ayaa isku qoray taariikhda koobka adduunka kadib markii uu gool dhaliyay xulka Brazil koobka adduunka.

Vincent Aboubaka ayaa xulkiisa ku hogaamiyay guul ahayd mid sharaf ah maadama ay ka hadheen koobka adduunka ka socda dalka Qatar.

Xiddiga Vincent Aboubaka ayaa gool madax ah oo qurux badan dhaliyay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta isla markaas goolka u furay xulkiisa.

Laakiin Vincent Aboubaka ayaa kaadhka 2-aad ee digniinta loo taagay kadib ciyaarta casaan looga saaray maadama uu maaliyada iska saaray.

Kadib kaadhka cas Vincent Aboubaka ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee koobka adduunka gool ka dhaliyay isla markaas kaadhka cas ciyaarta looga saaray tan ilaa Zinedine Zidane oo sidaas smaeeyay 2006.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here