Halyeeyga Kooxda Liverpool ee Dietmar Hamann ayaa sheegay in uu yaabi doono hadii uuna Thiago Alcantara ku biirin kooxda Liverpool xagaagan.

Thiago ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay kulankii Finalka champions league ee ay kooxdiisu ku guulaystay koobka Axadii laakiin waxa laga yaabaa in uu kulankiisii ugu dambeeyay ciyaaray.

Xiddiga 29 jika ah ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda Bayern Munich isaga oo lala xidhiidhinayo kooxda Liverpool.

Dietmar Hamann ayaa saadaaliyay in uu Thiago xilli ciyaareedka dambe u ciyaari doono kooxda Liverpool.

“Waxa loo soo bandhigay heshiis cusub oo Bayern Munich ah laakiin wuu iska diiday”ayuu yidhi Dietmar Hamann.

“Mar hadii uu iska diiday dalabka heshiis kordhinta Bayern Munich waxa aan hubaa in uu dalab ka helay Liverpool waanan la yaabi doonaa hadii uuna Liverpool u ciyaarin xilli ciyaareedka dambe”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here