Wakiilka xiddiga kooxda Juventus Dusan Vlahovic ayaa sheegay in uusan meesha ka saarayn suurtagalnimada uu xiddigu uga tagi karo kooxda Juventus bisha dambe.

Sida laga soo xigtay wargeyska Il Corriere Dello Sport, Vlahovic ayaa bartilmaameed u ah Arsenal, Chelsea iyo Manchester United, inkastoo u dhaqaaqista suuqa January aysan macquul ahayn laakiin wakiilkiisa ayaa sheegay in ay dhici karto.

Gunners ayaa la sheegay inay aad u xiiseyneyso 22 jirkaan, iyagoo doonaya inay xoojiyaan weerarkooda kadib dhaawacii soo gaadhay Gabriel Jesus kaas oo garoomada ka maqnaan doona muddo 3 bil ah.

Si kastaba ha ahaatee, Chelsea iyo Manchester United oo u baahan bedelka Cristiano Ronaldo ayaa sidoo kale isha ku haya xaalada, waxaana laga yaabaa inay Arsenal kula tartamaan saxiixa xiddiga reer Serbia.

Vlahovic ayaa iska diiday Arsenal suuqii January iyada oo Gunners aad u doonayso saxiixa xiddiga laakiin waxa uu 62.4 milyan oo euro ugu biiro kooxda Fiorentina.

Weeraryahanka ayaa tan iyo markii uu ku biiray Juventus u dhaliyay 16 gool 36 kulan oo uu ciyaaray waxana laga yaabaa in ay Juventus 80 milyan ku iibiso hadii ay go’aansadaan in ay iska iibiyaan xiddiga.

Juventus ayaa ku jirta xaalad adag iyada oo ay madaxda sare ee kooxdu is casishay sidoo kale ku jirto xaalad dhaqaale xumo oo aad u adag.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here